Wafdi uu Hogaaminaayo Ra’isalwasaaraha Xukuumadda Soomaliya Xasan Cali kheyre ayaa lagu soo dhoweeyay magaalada Adis-Ababa, caasimada dalka Itoobiya.
Wafdiga oo iskugu jira wasiiro, iyo Xildhibaano ka Tirsan Baarlamanka Soomaliya ayaa Soomaaliya u metelaya shir madaxeedka IGAD oo maanta halkaasi ka furmay.
Shirka IGAD ayaa Ajendayaasha ugu waaweyn waxaa ka mid ah sidii wax looga qaban lahaa, xaaladaha colaadeed iyo bani’aadanimo ee ka jirta Koonfurta Suudaan.
Ra’isalwasaare Xukuumadda Soomaliya Xasan Cali kheyre waa safarkii labaad ee uu dalka dibaddiisa ku aado, tan iyo markii la magacaabay, hore waxaa uu u booqday dalka Qadar