Puntland Iyo Galmudug Oo Shir Aan Horay Loo Shaacin Ku Yeellanaya Gaalkacyo

waxaa maanta la filayaa in ay shir albaabbada u xiran yahay ku yeeshaan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, mas’uuliyiin ka kala socota maamulada Galmudug iyo Puntland.

shirka sidoo kale waxaa ka qayb galaya sida ay dad xog oggaal ah u sheegeen saxaafadda odayaal dhaqameed beellaha dega labada maamul, waxaana looga hadli doonaa xasillinta iyo nabad kuwada noolaashaha magaalada Gaalkacyo.

horraantii bishan ayeey ahayd markii uu madaxwaynaha dhawaan la doortay ee Galmudug mudane Axmed Ducaalle Geelle Xaaf uu booqasho ku tagay Gaalkacyo, islamarkaana uu la kulmay bulshada magaaladaas.

shirkan ayaa kusoo aadaya xilli madaxda dalka ugu sareysa ay ka hadleen xaaladda magaalada Gaalkacyo ee xarrunta gobolka Mudug.