Nabad Mise Dagaal, Dawladda Iiraan Oo Markab Dagaal U Dirtay Soomaaliya Iyo Oman

Dawladda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa maraakiib dagaal usoo dirtay qaybo kamid ah biyaha waddamada Soomaaliya iyo Oman, si ay qayb kaga noqdaan hawlgalka lagula dagaalamayo kooxaha burcad badeedda Soomaalida.

dadka fallanqeeya siyaasadda ayaa aamminsan markabkan ujeeddkiisa koowaad uusan ahayn Burcad Badeed ee ay tahay kormeeridda xaaladda guud ee gacanka cadmayd iyo badwaynta India, maadaama xasarrad ay ka taagan tahay waddamada gobolkaas ku yaalla.

ma ahan markii ugu horreysay ee ay Dawladda Islamiga ah ee Iiraan usoo dirto markab biyaha Soomaaliya, waxaana uu qayb ka yahay sida ay sheegtay wasaaradda difaaca ee dalkaas hawlgalka caalamiga ah ee lagula dagaalamayo kooxaha burcad Badeedka Soomaalida.