Ma Dhabbaa In Soomaaliya Loo Soo Bandhigay $80-Milyan Si Ay Xiriirka Ugu Jarto Qatar? (Warbixin Xasaasi Ah)

Wariyaha lagu kalsoon yahay ee Jaber Al Harmi ayaa kusoo qoray bartiisa Twitter ka in dawladda Sucuudiga ay soo hor dhigtay SOomaaliya in ay qaadato adduun lacageed gaaraysa $80 Million, si ay baddalka xiriirka ugu jarto dawladda Qatar.

dhawaanahan ba waxaa socday dadaallo ay dawladda Sucuudiga ku doonaysay in ay Soomaaliya kaga mid dhigto dawladaha xiriirka u jaraya Qatar, balse Soomaaliya ayaa qaadatay go’aan dhex dhexaadnimo ah, kaas oo aysan cidna ku tallo raacayn.

Alharmi oo qoraalkiisa wata ayaa sidoo kale ku darray in madaxwaynaha Soomaaliya uu diiday go’aankaas, kadib shir iyo wadatashi laba saacadood qaatay, isagoo ammaanaya madaxwayne Farmaajo ayuu qoraalkiisa ku yiri “Wuu Diiday madaxwaynihii sharafta lahaa, go’aankii Sucuudiga,”.

sidoo kale qaybta ugu dambeysa ee hadalkiisa ayuu raaciyay “Dhammaan kuwa xorta ah, waxay ahaadeen (La safan yihiin) dhanka Qatar”.

xaaladda dawladaha Khaliijka ayaa ah mid aad u cakiran, tan iyo markii ay Sucuudiga iyo xulufadiisa ay calaaqaadka u jarreen dawladda Doha bilawgii bishan aynnu kujirno ee June.