Koox Matalaysa Magaalada Muqdisho Oo Caawa Ciyaari Doonta Tartan Caalami Ah Iyo Fallanqayn Ku Saabsan Ciyaarahaas

Magaalada Mombasa ee caasimadda labaad ee dalka Kenya waxaa xalayto ka furmay tartanka magaalooyinka bariga iyo bartamaha Afrika ee dhanka kubadda Kollayga ragga.

tartanka waxaa ka qayb galaya Lix magaalo oo waa wayn, waxaana kamid ah magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya, caawa ayeey ciyaari doonaan xiddigaha matalaya magaalada Muqdisho kulankooda koowaad ee tartankaas, iyagoo wajihi doona magaalada ay xafiltamaan ee Kampalla.

Kamballa, Nairobi, Jubba, Muqdisho, Kigali, iyo Darusalam ayaa kasoo muuqanaya tartanka loogu magac daray Africa City Challenge oo sannadkasta ay ciyaaraan magaalooyinka waaa wayn ee gobolka Bariga iyo bartamaha Afrika.

saacaddu marka ay soo gaadho 08:00 ayeey Soomaaliya ciyaari doontaa kulankooda koowaad, natiijooyinka kusoo kordhana wararkeena dambe ayaad si saani ah ugu akhrisan doontaan.