Jurile:-Soomaliya Qasaaro ayaa Ugu jirta Dhex-dhexaadnimada Khalijka”

Prof. Cabdirasaaq Cismaan Xasan (Juriile), oo ah Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibadda, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee golaha Aqalka Sare ee Barlamanka Federaalka Somalia, oo la hadlay warbaahinta ayaa ka hadlay go’aanka dowladda Soomaliya ee  muranka ka taagan waddamada Khaalijka.

Waxa uu ugu baaqay  Juriile Dowladda Soomaliya in ay ka laabato Go’aanka ay habeen gaartay ee ah in ay dhexdhaxaad ay ka atahay  hardanka siyaasadeed ee u dhaxeeya Xulafada uu hogaamiyo Sucuudiga iyo Qadar.

Juriile, ayaa codsigiisa sabab uga dhigay in mowqifka hor yaalla dowladda Somalia ay tahay Labo daran mid dooro, sidaas darteed lagama maarmaan tahay in xukuumaddu la jirsato dhinaca Sacuudiga, isagoo tusaale u soo qaatay taageerada buuxday ee  dhinaca Amniga iyo xiriirka gacansi.

“Waxaan qabaa mowqifka dowladdu qaadatay in dib u eegis lagu sameeyo, waana sheegayaa sababta; Aniga Somalia ahaan khasaaro ayaa iigu jirta dhex-dhexaadnimo marka aan eegin tooda ee aan fiirsho danteena, Aniga Imaraadku Jaal ayuu nagula yahay la dagaallanka Argagixisada, waana ogtihiin Ciidan Kun iyo Dhowr-ka Boqol ah oo ay tababareen gacantana ku hayaan ee Bosaaso jooga, maalin kasta kuwo ayaa Muqdisho tababar loogu soo xiraa, Ganacsatadeena ugu waaweyn ee Soomalida ayaa jooga magaalada Abu  Dubai ee dalka imaaraadka,” Ayuu yiri Xildhibaan Juriile.