Isku-Tagga Imaaraadka Carabta Oo Soomaaliya Iyo Qatar Ka Reebtay Tartanka Qur’aan Akhriska Adduunka Ee Bisha Ramadan

wararka ka imaanaya magaalada Dubia ee caasimadda dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa sheegaya in waddamada Soomaaliya Iyo Sucuudiga laga reebay tartanka Qur’aan Akhriska adduunka ee sannad walba ka dhici jiray dalka UAE.

ka reebiddan ayaa timid xilli dhibaato adag oo cunaqabatayn u badan la saarayo dawladda Qatar, balse Soomaaliya ayeey ahayd wax lala yaabo markii iyanna laga reebay tartankaas.

Soomaaliya ayaa diidday dalab Sucuudi kaga yimid oo sheegayay in ay xiriirka u jarto Qatar, si ay u hesho lacago dalab ah oo ay ballanqaaday, balse madaxda ugu saraysa dalka ayaa taas jaanta ku dhufatay, baddalkana waxa ay qaateen go’aan dhex dhexaad ah oo cidna aan raacsanayn.

ma ahayn tallaabo lafilayay in Qur’aanka iyo meelaha cibaaddada ay soo dhex gali karto cunaqabataynta lagu soo rogay waddanka Qatar.