Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle oo shaqo joojin lagu sameeyay

Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle ayaa shaqadii ka joojiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaas Cismaan Barre Maxamed.

Xildhibaannada oo maanta kulankoodu ajandihiisu ahaa mooshin ka dhan ah Madaxweynaha Maamulkaas Cali Cabdullahi,ayaa buuq iyo Qyelo kaddib Xildhibaannada waxaa ay dib u dhigeen Mooshinkii ka dhanka ahaa Cosoble waxaana ay u jeesteen in marka hore ay shaqo joojin ku sameeyaan Guddoonka Baarlamaanka Hirshabeelle.

Xildhibaannada oo gaarayay 47 Mudane ayaa waxaa 39 ka mid ah ay cod ku bixiyeen in shaqada laga joojiyo guddoonka Baarlamaanka oo ay ku filneynd 36 Mudane.

Xildhibaannada ayaa ku eedeeyay Guddoonka in uuu gaashaan u yahay Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullahi Cosoble,sidaas darteedna ay 39 XIldhibaan ku saxiixeen shaqo joojintiisa.