Diyaarado Dagaal Oo Duqaymo Ba’an Ka Gaystay Gobolka Gedo

wararka ka imaanaya magaalada Baardheere ee gobolka Gedo waxa ay sheegayaan in diyaarado loo malaynayo in ay leedahay dawladda Kenya ay duqaysay goobo ay saldhig ku lahaayeen ururka Alshabaab.

duqaynta ayaa ka dhacday deegaanno hoos yimaada degmada Baardheere, lamana oga khasaaraha dhabta ah ee ay geeysatay duqaynta diyaaradeed ee ka dhacday gobolka Gedo.

ma ahan markii ugu horeysay ee duqayn noocan oo kale ay ka dhacdo gobolkaas, waxaana ku badan sida la rumeysan yahay ururka Alshabaab oo si dhuummaalaysi ah uga hawlgala goobahaas.

isgaarsiinta deegaankaas ayaa ah mid aad u liidata, sidoo kale warbaahinta kahawlgasha inta badan cadaadis ayeey kala kulmaan Alshabbaab, si aysan u dusin warar hoose oo sir ah, taas ayaa ka dhigaysa in aan si fudud lagu ogaan karin khasaaraha ka dhashay weerarkaas.