DEG-DEG: Madaxwayne Farmaajo Oo Ka Baaqday Shirkii IGAD, Haddaba Waa Maxay Sababta?

Wararka kasoo baxaya Villa Soomaalia ayaa sheegaya in Madaxwaynaha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/lahi Farmaajo uu ka baaqday shirkii madaxda IGAD, baddalkeedana waxaa shirkaas ka qayb gali doona ra’iisul wasaaraha dalka Hassan Cali Kheyre.

madaxwaynaha ayaa ka cudur daartay in uu seego kulanka madaxda IGAD, wuxuuna u rajeyay in ay kasoo baxaan wax dan u wada ah dhammaan dadka gobolka.

Kheyre ayaa dhawaan u duullaya magaalada ADIS ABABA si uu uga qayb galo shirkaas ay madaxda urrur gobolaydka IGAD, oo dhawaan ka furmi doona magaallo madaxda dalka Ethiopia.

waxaa dhawaanahan la isla dhexmarayay suuqa in ay bateen safarada madaxda dalka, dadka fallanqeeya siyaasadda Soomaalida ayaa amminsan in ilaa xad ay saameeyn ku yeellatay safarka madaxwaynaha, inkastoo cudurdaarka uu ka waynaa arrinka.