Dawladda Qatar Oo Go’aan Bani Aadamnimo Ka Qaadatay Dadka Ku Nool Dalkeeda Ee Kasoo Jeeda Dawladaha Xiriirka U Jaray

  • dhawaan waxay waddamada Khaliijka ku bahooway xiriirka u jarreen Dawladda Qatar, tan iyo bilawgii xasaraddaas, huwanta uu Sucuudiga hoggaaminayo ayaa meelo kala duwan cunaqabatayn ku saaray dawladda Qatar.

xiyiraadyada dhanka duullimaadka, kan degnaashaha, iyo waxyaabo kale duwan, balse dawladda Qatar ayaa qaadatay go’aan bannii Aadamnimo ah, markii ay  u oggolaatay in ay dalkeeda iskaga noollaadaan dhammaan dadka caalamka, haddii ay kasoo jeedi lahaayeen dawladihii xiriirka u jaray iyo kuwa kale ee ay saaxiibbada ay yihiin.

“waxna kamma baddalin siyaasaddeenii ku dhisnayd walaaltinimada iyo saaxiibtinimada, waxa an u ahaynaa xushmad dhammaan dadka agteena ku nool, ha ahaadaan kuwa dawladahooda aan xiriirka kala qaadanay iyo kuwa xitaa hoos u dhigay saaxiibtinimadeena, waan soo dhawaynaynaa wax walba oo caalamka nabad u horseedi kara,” war nuxurkiisu intaas ahaa ayaa laga sii daayay wakaaladda wararka ee Qatar, marka magaceeda lasoo gaabiyana loo yaqaanno (QNA).

tallaabadan ayaa ahayd mid aad loo soo dhaweeyo, maadaama Sucuudiga uu qaatay caksiga iyo uu kala saaro dadka Muslimka ah ee labada State ka kala socda.