Dagaal Khasaaro Badan Gaystay Oo Ka Dhacay Gobolka Hiiraan

wararka ka imaanaya Degmada Matabaan ayaa sheegaya in halkaas ay ku dagaalameen maleyshiyo beelayd wada dega deegaankaas, islamarkaana dagaalkooda uu gaystay khasaaro naf iyo maalba.

inkastoo aysan caddayn sababta rasmiga ah ee ka dambaysa dagaalkan qabiilka salka ku haya, haddana wararka hoose ee laga helayo degmada Matabaan ayaa sheegaya in markii hore dagaalku uu ka bilawday dhul daaqsin la isku qabsaday, shalay ilaa xalayto ayuu soo gaaray dagaalka, oo marba marka ka dambaysa uu sii khasaaro badanayay.

dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in labada qabiil ee ku dagaalamay gobolka Hiiraan gaar ahaan degmada Mataban, ay ka kala soo jeedaan gobolada Hiiraan iyo Galgaduud.

Khasaaraha saxda ah lama heli karo, balse waxaa hubaa in dagaalkaas uu khasaaro nafeed uu lahaa, maadaama goobta lagu dagaalamay ay ahayd meel dad badan ay dagan yihiin.