Koox Bastoolado ku Hubeysan ayaa Saakay Suuqa Beerta ee Degmada Waabari ee Muqdisho ku dishay Nin Sarifle ah oo ka mid ahaa Ganacsatada Sarifka ee Suuqa Beerta.
Alle ha u naxariistee Marxuumka la dilay ayaa Magaciisa waxaa lagu soo koobay Axmed-deey Garfiiq,waxaana Dilka u geystay Rag Bastoolado watay oo dilka ka dib baxsaday.
Dilka ka dib ayaa waxaa Goobta yimid Ciidamada Ammaanka Soomaaliya oo halkaas Baaritaano ka sameeyay,inkastoo aysan Qofna u soo qaban Falkaas.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku soo batay Bisha Ramadaan Dilalka Qorsheysan oo ay geysanayaan Dableey Bastoolado wadata,mana jirto Cid Dilalka dhaca loo soo qabto.