Tagsiile Xildh. Ilhaan Cumar caayay oo Ruqsaddii lagala noqday

Dowladda hoose ee Magaalada Washington ayaa Ruqsaddii kaxeynta Tagaasida kala laabatay Ninkan oo Bishii December ee Sanadkii hore Ilhaan ugu hanjabay in uu ka saarayo xijaabka kaddib markii ay ka raacday Washinton iyada oo dooneysay in uu geeyo Mannisotta .

Garsooraha Maxkamadda ayaa Ninkaasi Tagsiilaha ah ku ganaaxay $1,000 Doollar,oo ganaax ah,45 Cisho lagala laabtay Ruqsadda kaxeynta Gaadiidka iyo in uu tago Xarumaha waxbarashada ee dhaqamada kala duwan.

Ninkan waxaa uu Ilhaan kula hadlay luuqad adag,waxaana wali dib u eegis lagu sameynayaa in Ruqsaddiisa la siiyo iyo in kale marka uu soo dhameysto dhamaan ganaaxyada hadda lagu soo rogay.

Ilhaan Cumar waxaa Xildhibaannaddii ugu horreysay ee Somali ah oo Gobol ka mid ah Mareykanka XIldhibaan ka noqotay iyada oo ka soo qaxday Colaadda dalkeeda kaddibna laga qaaday Xero Qaxooti oo ku taalla Dhadhaab.