Sawirro: Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabeelle oo Afur u sameeyay Gudoomiyaha Barlamaanka & Xildhibaanadiisa

Madaxweyne kuxigeenka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ahna Kusimaha Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Xuseen Guudlaawe ayaa caawa Afur u sameeyay Gudoomiyaha Barlamaanka Hirshabeelle & Xildhibaanada Barlamaanka Hirshabeelle .

Kulankaani Afuriska ahaa ayaa ahaa mid kusimahana Madaxweynaha uu ugu talo galay Xildhibaanada Barlamaanka & Gudoonka sare ee Barlamaanka kuwaasi oo dhowaanahaaani kala maqnaa .

Qaar ka tirsan Xildhibaanada Barlamaanka ayaa ugu mahadceliyaya Madaxweynaha Afurkaan waxaana ay shegeen in ay aad ugu faraxsan yihiin in xildhibaanadii Mudooyinkaan kala maqnaa .

Gudoomiyaha Barlamaanka Hirshabeelle Shikh Cismaan barre Maxamed ayaa ,aad ugu dheeraday qudbad mahadnaq & sida xildhibaanda looga sugaayo howlahooda shaqo in ay sii qabsadaan wuxuuna xildhibaanada Barlamaanka Hirshabeelle ku amaanay sida  ay isugu duuban yihiin.

Gebo gabadii ayaa ku simaha Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ahna Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabeelle ayaa ugu mahadceliyay Xildhibaanada Barlamaanka Hirshabeelle & Gudoomiyaha Barlamaanka Hirshabeelle sida ay ugu ajiibeen in ay aqbalaan afuriska uu u sameeeyay wuxuuna sheegay in bishaan ay tahay Bil barakeysan ee Ramadaan dhamaana Umada Muslimiinta ah ay is cafiyaan isuna naxariistaan.

Waa Mas,uulkii ugu horeeyay ee ka tirsan Hirshabeelle oo Afur u sameeya Xildhibaanada barlamaanka Hirshabeelle oo gaaray 70 Xildhibaan.