Sawirro: Al-shabaab oo Soo Bandhigay Gawaari AMISOM Laga Gubay

Xarakada Al-shabaab ayaa soo bandhigtay gaadiid la gubay oo ay lahayeen Ciidamad Midowga Afrika AMISOM Kuwaasi oo dagaal ku qaaday Shalay deegaano ka Tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose.

Shabaab waxa ay sheegeen in gadiidka la gubay ay lahaayeen Ciidamada AMISOM lagu qabtay dagaalkii ka dhacay deegaanka bariire ee Gobolka Shabeelaha Hoose, oo Ciidamdaa AMISOM iyo Kuwa Mareykanka ay weerar ku qaadeen.

Saraakiil katirsan Xarakada Al-shaabab  oo shacabka kula hadlay degmada Bariire ayaa sheegay in Ciidamada AMISOM iyo kuwa Mareykanka loogu adkaaday  dagaalkii ka dhacay Gobolka Shabeelaha Hoose.

Laba Gaari ayaa ciidamada Mareykanka  iyo AMISOM looga gubay dagaalka Sida ay sheegeen shabaab, gaari Cabdi Bile ah ayaa ku basbeelay qarax lagula helay duleedka Bariire balse ciidamada Mareykanka iyo Soomaalida ayay usuurtaga gashay in ay jiitaan.

Gaariga laga gubay ciidamada Mareykanka ayaa yaal deegaanka Bariire waxaana ku dhintay ugu yaraan 7 askari oo katirsan ciidamada Uganda ee qeybta ka ah AMISOM sida ay sheegeen Shabaab.