Iiraan Oo Qatar U Daabushay Cunno

Iran ayaa dalka Qatar u dirtay diyaarado sida cunno, ka dib markii xiisadda ka taagan Khaliijka ay saamaysay wax soo dhoofsashada dalkaasi yar ee ay isku kacsan yihiin waddamada jaarka la ah.

Shirkadda diyaaradaha qaran ee Iran ayaa sheegtay in shan diyaaradood oo sida cunno iyo khudaar ay u duuleen dalka Qatar, maadaama wadankaasi uu ku jiro marxalad cuno la ‘aan ah, kadib markii wadamada gacanka carbeed ay cunaqabateyn kusoo rogeen wadankaasi, kadib markii ay kusoo eedeeyeen in uu gacan siiyo argagixisada.

Qatar ayaa ah wadan hodan ku ah Gaaska oo badi ma qabaan dhul beereed, taasi ayaana dhalisay in cunada wadankaasi ay gabaabsi sii noqonayso.

Ilaa iyo hadda lama sheegin in cunnadaasi ay tahay gargaar, ama in ay iibsatay Qatar, waxayse Iran sheegtay in kaliya diyaarado sida cuno ay u direen Qatar oo ay doonayaan in ay la noqdaan saaxiib sokeeye.