FIIRSO Sawiro: Fadeexad & Ceeb Dowladda ka heysata qeybo ka mida Muqdisho

Ganacsatada ku ganacsata hareeraha wadada laamiga ah ee isku xirta Isgoyska Bakaaraha iyo Isgoyska Black Sea, ayaa qaati ka taagan Nadaafad daro, go’doon iyo xaalad caafimaad daro oo ay ku hayaan Biyo wasaq ah iyo qashin fara badan oo go’doomiyay Bartamaha laamiga Isku xira Black Sea iyo Isgoyska Bakaaraha, gaar ahaan halka loo yaqaan Cirtoogte iyo wadada sariiraha.

Ra’iisal Wasaaraha dalka Xasan Cali Khayre ayaa dhawaan daah furay Ololaha nadaafadda Gobolka Banaadir, laakiin meesha lagu bilaabay ayaa aheyd meel aanan u baahnayn nadaafad marka la eego meelaha muhiimka u ah Bulshada ee loo baahan yahay dowladda inay wax ka qabato.

Inkastoo shaqada dowladda ay kala cayiman tahay, haddana tallaabada hagaajinta wadada ayaa laga doonayaa maamulada Hawlwadaag iyo Hodan oo laamiga uu u dhaxeeya iyaga oo kaashanaya Maamulka Gobolka Banaadir iyo Hay’adaha dhismaha wadooyinka ku shaqada leh.

Fiirso  sawirada laga soo qaaday