Duqeyn Diyaaradeed oo Xalay ka dhacday Degaanka Tooratoorow ee G/Sh/Hoose

Wararka ka imaanaya Degaanka Tooratoorow ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in Diyaarado Dagaal oo aan weli la aqoonsan wadanka laga leeyahay ay Xalay Duqeeyeen Saldhigyo Al-shabaab ay ku leeyihiin Degaanka Tooratoorow ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Goobjoogeyaal ku sugan Degaanka Tooratoorow oo diiday in Magacooda iyo Codkooda loo adeegsado qalabka warbaahinta Sababo Amni awgeed ayaa sheegay in Diyaaradaha ay Dhowr Gantaal ku dhufteen Fariisimo Al-shabaabku ay leeyihiin.

Illaa hadda Ma cadda Khasaaraha Duqeyntaas ay Sababtay,inkastoo Duqeynta laga Maqlay qeybo badan oo ka mida Gobolka Shabellaha Hoose.

Dhowr Jeer ayaa Diyaaradaha Mareykanka waxaa ay Duqeyn la beegsadeen Xarumo Shabaabku leeyihiin oo ku yaalla Gobolka Shabellaha Hoose.