DEG DEG: Kooxo Hubeysan oo Goor dhow Muqdisho ku dilay Axmed Madaxeey

Koxo Hubeysan ayaa Goordhaweyd waxa ay xaafadda Xamar Bille ee Degmada Warta-nabadda ay ku dileen nin magaciisa lagu sheegay Axmed Cabdulqaadir Xuseen Madaxeey oo kamid ahaa dadka deegaanka.

Qof kamid ah dadka deegaanka ayaa Warbaahinta  u xaqiijiyay dilka Marxuumka wuxuuna sheegay in dilkiisa ay fuliyeen rag ku hubeysnaa Bastoolado oo dhowr xabadood ku dhuftay kadibna goobta isaga baxsaday.

Dhowrkii maalin aynu soo dhaafnay waxaa magaalada Muqdisho kusoo badanayay dilalka loo geysto dadka shacabka ah, iyadoo maanta degmada Waabari ee Gobolka Banaadir lagu dilay nin Magaciisa lagu sheegay Axmdey Garfiiq oo kamid Ergadii maamulka Hir-shabeelle,