Al-Shabaab oo waxbarasho la’aan dhigay Boqolaal arday ah

Wararka ka imaanaya Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Dagaalameyaasha Al-shabaab ay Albaabada iskugu dhufteen Dhowr Iskuul oo lagu barto Cilmiga Maadiga oo ku yaalla Degaanada Ceel-cadde iyo Tuulo Barwaaqo oo ku yaalla Gobolka Gedo.

Iskuulada ay Xireen Al-shabaab ayaa la sheegay in ay gaarayaan illaa 10 Iskuul oo u badan Dugsiyada Hoose iyo Dhexe.

Sababta ay Al-shabaab u Xireen Iskuulada ayaa lagu sheegay in ay ka soo horjeedaan Manaahijta Waxbarashada Dowladda Soomaaliya oo Iskuuladaas lagu dhigi jiray.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Gedo ayaa Warbaahinta u Xaqiijiyay in ay jiraan iskuulada ay Al-shabaab Xireen islamarkaana ay Waxbarasho la’aan soo foodsaartay Boqolaal Arday ah oo Iskuuladaas wax kabaran jiray.

Hayeeshee Al-shabaab weli kama hadlin Iskuulada ay Al-baabada iskugu dhufteen ee ku yaalla Degaanada Ceel-cadde iyo Tuulo Barwaaqo.