WAR DEG DEG AH” Dil Goordhaweyd Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Wararka naga soo gaaraya Degmada Dharkinley ee Gobolka Banaadir  gaar ahaan waaxda labaad Laanta Kowaad ayaa ku waramaya in kooxo hubeysan ay Goordhaweyd halkaas ku dileen nin magaciisa lagu sheegay Cali Salaad.

Qof kamid ah dadka deegaanka oo goordhaweyd la hadlay Warbaahinta  ayaa sheegay In ninka la dilay uu kamid ahaa dadka deegaanka islamarkaana dilkiisa ay fuliyeen dhalinyaro ku hubeysneed bastoolado oo goobta isaga baxsaday falka kadib.

Goobta uu dilka ka dhacay waxaa gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaliya mana jiro cid loo soo qabtay dilka.