Somaliland oo shaacisay Cida ay taageersan tahay dalalka Khaliijka

Maamulka Somaliland ayaa Taageeray go’aanka  Sacuudiga iyo Imaaraadka, oo ay sheegtay inay la mowqiftahay, midaasi oo la micno ah inay xiriirka u jareen Qadar.

Go’aankan ayaa kasoo baxay kulan aan caadi aheyn oo Golaha wasiirada Somaliland yeesheen maanta, wasiirka arrimahada dibedda Somaliland Sacad Cali Shire ayaa weriyayaasha u akhriyey go’aanka waxaana uu yahay:-

1- in  Somaliland si buuxda u taageerto mawqifka iyo aragtida ay ka qaateen Sacuudiga iyo Imaaraadku khilaafka siyaasiga ah ee u dhexeeya iyaga iyo Dalka Qadar.

2-Laga bilaabo maanta cid aan ogolaansho ka haysan  Somalialnd ma isticmaali karaan, mana mari karaan hawada Jamhuuriyadda Somaliland.

3-Somaliland way u madax-banaan tahay cirkeeda , dhulkeeda iyo baddeedaba, Soomaaliyana kama taliso, mana bixin karto ogolaansho cidi ku isticmaasho cirka, dhulka iyo badda Jamhuuriyadda Somaliland.