Senator Faroole Oo Sheegay In La Dayacay Ciidankii Puntland Looga Dilay Dagaalkii Af Urur

Senator C/raxmaan Sheekh Maxamuud Maxamed Faroole oo mar soo noqday madaxweynaha maamulka Puntland ayaa si kulul wuxuu uga hadlay dagaal dhowaan ciidamada Puntland iyo kuwa Al-shabaab ku dhexmaray deegaanka Af Ururu ee gobolka Bari.

Faroole oo si gaar ah uga hadlay ciidankii Puntland looga dilay dagaalkaasi ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in mar qura la laayo ciidan ka badan 20.

Waxa uu tilmaamay in ciidankaasi la daycay, islamarkaana la doonayo maamulka Gaas inuu sameeyo baaritaan degdeg ah kuna aadan in la ogaado wixii dhacay iyo sababta ay ku dhaceen.

Wuxuu soo jeediyey C/raxmaan Faroole in xitaa muhiim tahay in lala xisaabtamo taliyeyaasha ciidamadan, xitaa xilalka laga qaado.

“Dacay ayaa jiray, midka uu doonaba ha ahadee, meello ka shisheeyey halka lagu dagaallamay ayaa dagaallo laga galay, waxay arrintani u baahan tahay in lasoo baaro si qoto dheer loo baaro, oo waliba loo saaro guddi” ayuu yiri Faroole.

Maalin kahor dagaal u dhaxeeyay Al-shabaab iyo ciidamada Puntland ayaa ka dhacay gobolka Bari, waxaana dagaalkaasi ka dhashay khasaare aad u xooggan.