Madaxweynaha Hirshabeelle oo Xilalkii ka qaaday Maamulkii Gobalka Hiiraan qaar cusubna ku badalay.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha  Maamulka Hirshabeelle Cali Cabullahi Cosoble ayaa is badal loogu  sameeyay maamulka heer gobol iyo degmo ee gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan ayaa loo magacaabay Cumar Aadan Deeqoow ‘’Baadiyoow’’ iyadoo xilka laga qaaday Cali Jeynte Cismaan.

Guddoomiye ku-xigeenka arimaha amniga ayaa loo magacaabay Maslax Maxamed Cismaan, guddoomiye ku-xigeenka maamulka ayaa loo magacaabay C/rashiid Sheekh Cali, guddoomiye ku-xigeenka Maaliyada Qaalid Bashiir Cali, guddoomiye ku-xigeenka arimaha bulshada loo magacaabay Sheekh Xusseen Cismaan Cali, halka xog-hayaha gobolka loo magacaabay C/dulle Nuur Guure.

Guddoomiyaha degmada Beledweyne ayaa loo magacaabay Aadan Axmed Xeefoow, halka duqa degmada Beledweyne loo magacaabay Cali Dhuux Cabdi Mahad Alle oo horay u soo noqday taliyihii cidiamada booliiska degmada Beledweyne.

lama oga ilaa hadda Sababta keentay Xil ka qaadista Maamulka Gobalka Hiiraan  Balse arintaan ayaa ku soo aadeyso iyadoo Gobalka Hiiraan ay ka jirto Dagaal beeleed ragaadiyay Magaalooyinka Gobalka Qaarkood.