Kooxo Hubeysan oo Goor dhow Dil ka geestay Suuq bacaad Muqdisho

Koox Bastoolado wadata ayaa goordhaw Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya ku dilay Xaafadda Suuq Bacaad ee Degmada Yaaqshiid sida ay noo xaqiijiyeen Saraakiisha Amaanka ee Degmadaasi.

Taliyaha Saldhigga Booliska ee Degmada yaaqshiid ayaa Warbaahinta usheegay in Askari ka tirsan Ciidanka Canshuurta ka qaada Suuqa Bacaad ay dilayn Koox Bastoolado wadata ayna Goobtaasi ka baxsadeen.

Mid ka mid ah dadka goob joogayaasha ah ayaa sidoo kale Warbaahinta usheegay in ay hada goobta soo gaareen Ciidamada Amaanka ee Degmadaasi waxayna halkaasi ay hada ka wadaan Howlgalo baaritaano ah oo lagu raadinaayo dadkii ka danbeeyay dilkaasi.

wararkii ugu danbeeyay waxay sheegayaan in ay xaalada ay hadda caadi ku soo laabatay oo ay ciidamadii Howlgalka waday dib ugu laabteen Xarumahooda Ku yaalla Degmada yaaqshiid ee Gobalka Banaadir.