Ku dhawaad 10 Qof ayaa ku dhimatay 15 kalena wey ku dhaawaceen Dagaal Maanta Ciidamada Dowladda iyo Al-shabaab ku dhexmaray qeybo badan oo ka mida Gobolka Shabellaha Hoose.
Dadka dhintay iyo kuwa Dhaawacmay ayaa u badan Dhinacyadii ku dagaalamay Gobolka Shabellaha Hoose,waxaana jira Dad Rayid ah Dhimasho iyo dhaawac ka soo gaaray Dagaalka.
Sidoo kale waxaa hadda uu Dagaal ka soconayaa Meel u dhow Degmada Tooratoorow Ee Gobolka Shabellaha Hoose,waxaana Howlgalka wada jir u wada Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa AMISOM.
Howlgalkaan ayaa ah mid Ciidamada Huwanta ah ay Shabaab uga saarayaan Qeybaha ay ka joogaan Gobolka Shabellaha Hoose.