Diyaaradihii Ganacsi ee Tagi Jirey Baydhabo oo Shaqo Joojin Sameeyay

Wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo ee caasimadda KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya ayaa ku waramaya in diyaaradihii Ganacsi ee tagi jirey Magaaladaas ay shaqo joojin sameeyeen sababo la xiriira canshuurtii laga qaadi jirey oo la Kordhiyay.

Ilo Lagu kalsoonan karo ayaa xaqiijiyay in diyaaradaha ganacsi oo maalin walba tagi jirey Magaalada Baydhabo ay Hakad  galiyeen safaradooda, sababo la xiriira wasaaradda Maaliyadda Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaliya oo canshuurta kordhisay.

Diyaaradaha Ganacsi ee Taga Magaalada baydhabo ayaa la sheegay in canshuur ahaan laga qaadi jirey $200 balse hadda waxaa laga dhigay $400 taasi oo la sheegay in  ay dhibaato ku tahay milkiilayaasha Diyaaradaha Ganacsi bixinta Lacagaas.

Dhanka kale xiriiro aynu la sameenay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka koonfur Galbeed Soomaliya inooma suurta galin in aan qadka taleefanka ku helno si aan wax ugu weydiino arintaan.