Al-shabaab oo War kasoo Saaray Dagaalka Shabeelaha Hoose

Warbaahintada Xarakada Al-shabaab ayaa baahisay in in Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaliya, AMISOM iyo Ciidamo Mareykan ah in ay  saakay aroortii weerar ku qadeen deegaano ka tirsan Gobolka Shabeelaha hoose.

Al-shabaab waxa ay sheegeen in weerarkas uu noqday mid guuldareystay islamarkaana Al-shabaab ay la wareegeen Deegaanka Buufoow oo mudooyinkii ugu dambeeyay ee ku sugnaayeenCiidamada Dowladda Soomaliya.

“Dagaal saacad socday kadib ayay ciidamada Xarakada Al Shabaab usuurta gashay in ay iska caabiyaan ciidamada huwanta ah waxayna si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta tuula Buufoow oo hoos tagta magaalada Marka dhanka degmada Afgooye ciidamo Mareykan ah oo gelbinayay cutubyo katirsan AMISOM ayaa saaka weerar ku qaaday deegaanka Bariire waxaana halkaasi ku qabsaday iska hor’imaadyo culus oo ay barbar socdeen qaraxyo”,ayaa lagu yiri warar lagu daabacay warbaahinta Xarakada Al-shabaab.

Ma Jiro war  ah oo kasoo baxay dhanka Dowladda Federaalka Soomaliya iyo AMISOM oo loogu hadlaayo dagaalka ka dhacay Gobolka Shabeelaha Hoose.