Sawirro: Wasiirka Amniga oo kormeer Kadis ah ku tagay qaar ka mid ah saldhigyadda degmooyinka Gobolka Banaadir

Wasiirki Amniga Maxamed Abuukar Islow ayaa kormeerey qaar ka mid ah saldhigyadda degmooyinka Gobolka Banaadir isagoo u kuurgalaya sidey u shaqeeyaan xiliyadda Habeenkii ah.

Waxaa kamid ah saldhigyadda uu kormeeray Wasiirka Amniga Saldhigyada kaaraan, Waabari, Shibis iyo Xamar jajab.

Maxamed Abuukar Islow ayaa ku booriyay ciidanka Amaanka inay sii wadaan dadaalada ay ugu jiraan inay ugu shaqeeyaan shacabkooda sidoo kalana ay ku xasiliyaan ammaanka Caasimadda.