Howlgallo ka socda Qeybo ka mida Magaalada Muqdisho

Ciidamada Gaarka ah ee Xasilinta Caasimadda Muqdisho ayaa Saakay Howlgallo ka wada Xaafadda Taleex ee Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Gaadiidka Dagaalka ee ay wataan Ciidamada Xasilinta ayaa lagu arkayaa iyagoo yaalla Wadooyinka waa-weyn ee Xaafadda Taleex,waxaana Howlgalka Xoogiisa uu ka socdaa Agagaarka Madaxtooyadii hore ee Madaxweyne Cabdi Qaasim Salaad Xasan.

Inta uu socday Howlgalka ayaa lagu qab qabtay Dhalinyaro aad u badan,waxaana la arkayay Dhalinyaro Indhaha ka Xir xiran oo Gaadiidka Ciidamada dul saaran.

Sidoo kale waxaa Ciidamada ay u diidayaan Gaadiidka in ay isticmaalaan Goobaha laga wado Howlgalada Saakay/