Gaso, Ganuun, Gasiin Q.45aad W/Q. Prof.Cali Jimcaale Axmed. Waa sheekadii Xiisaha badneyd

 

Gaso, ganuun, Gasiin   Q.45aad

Prof. Cali Jimcaale Axmed

XLV

Sheeko, sheeko!

Sheeka Xariir!

Toxob oo reynreyn weyni ka muuqato ayaa u sii hadaafay meeshi ama kobti ay ciddu tiil. Waxaad arkeysay in illimi Indhihiisa soo buuxdhaafisay. Farax owsan dareemin in muddo ah ayaa cagahiisa ka dhigay kuwo shoobshoob saanta u qaada. Culaabti uu siday ayaan marna hoos u dhigin farxaddi ow dareensanaa. Waxaad u qabtay in socodkiisu la jaan qaadaayey fiijo iyo sacab meel fog laga tumaayay. Waxyar ka dibna waa kii la soo sinmay weegaarki ay ciddu xaarxaaratay. Waxaa bannaanka soke fadhiyay geber uu dhalay iyo dhowr kale oo  iyada la jin ah. Marki uu ku soo dhowaaday ayay canugtiisi ku soo oroday, oo si firfircooniya ugu soo haanyootay. Inta uu qoslay ayuu yiri, “Quruxeey, xaa meesha ku dhigay?” Waxay geberti ka sheekeysay wadar wax oo ay iyada iyo gabdhihi kale ku madadaalanaayeen.

Waxay tiri, “Waxaan dheeleynay Kuu kuun Caddeey Barreey.” Iyada oon sugin hadalki aabaheed ayeey jiib aad u macaan ku luqeysay: Kuu kuun Caddeey Barreey/Jeela/Jeela jugaan mareey/ Afaa mudooy Feerabax.

Toxob ayaa qoslay oo yiri, “Ciyowba saaxiibaad samaysatay. Yaa hee ku gaara.”

Inta ay qososhay ayay tiri, “Weliba waxaa jirta tu’kale oo calaacallada laga dheelo iidoo la taaganyahay.” Haddana iyada oon sugin ayay tiri,” Dhakac Dhakac/ Dhamaseeliyow/ Caleemiyow Dhuc/ Deeyaasee/ Dannagdannag/ Daanshow bax!”

Odaygi ayaa qoslay oo yiri, “Waa tahay ee culaabta aan horta iska dhigo ee wax yar ii kaadi.”

Keen aan kula qabtee, ayay tiri.

Waa kugu cuslaahaayaan ee adigu i hor kac, ayuu si naxariislihi u yiri.

Inti aysan midkood hadlin ayay hortooda ka arkeen hooyadi reerka oo xaggooda u soo socota. “Xaa hee kugu dhacay maanta? Waaba kaa yaabnay saad u soo raagtay. Xeyse yihiin waxaad hinjayso?”

Odaygi ayaa yiri, “Waa diiq rag doorihi ay ii soo dhiibeen ee bal ilmaha soo kici wixi hurda si ay jidiin yar u helaan.”

Waxaa odaygi u dhiibay hiindadi reerka raashinki si ay iyadu u aqoosho. Waxay ka yaabtay habsamida  waxkasta loo soo agaasimay, kolleey ku tahay weelashi wax lagu cunilahaa. Ilmihi ayaa si hammuun qab ah faraha la galay bariiski iyo hilibki saarnaa. Odaygi ayaa galaasyadi ku shubay caanihi baraxa geela ahaa oo kalooraddi ku jiray.  Waxay heleen gasiin aysan arag in muddo ah. Marki ay raashinki hiq ka yiriheen ayaa odaygi la weydiiyay in uu ka warbixiyo kulankii ay Cagoole yeesheen. Waxa uu ka sheekeeyay fiddowgi iyo akhyaarti uu meeshaas kula soo kulmay. Waxaa kale ow reerkiisa u sheegay ballanti isaga iyo Cagoole ay soo dhigteen oo ahayd in foogta barqadi ay ku kulmaan geed kaxara agtiisa. Waxa uu yiri, “Cagoole ayaa na geeyndoona kobta uu deganyahay adeer Toob Taqtaq Tiniinix. Waxaan ku farxay in ow Toxob aqoon dheer u leeyahay adeer Toob Taqtaq oo uu ii sheegay in uu deganyahay meel aan ununna ka mudakarno aqal kumeelgaara. Mugga hee waa in aan isu diyaarinaa cawada sidi aan uga hilhilanlahayn meeshaan foogta minow Eebe idmo.”

Hooyadi reerka ayaa tiri, “Wax nagu celsho mahaan ayaaba iska yar oo minaad tiraa hadda hala guuro, waa guurikarnaa. Balse waa noo foogta.” Hooyadi ayaa hadalkeedi ku soo gooysay su’aal: “Xaad kaloo soo aragtay ismoogeyni?”

Odaygi ayaa sidi caadada u ahayd yiri, “Bal horta aan weydiino waxa ay ilmuhu sheeko haayaan. Quruxeey iyadu waxay ii sheegtay in ay gabdho jaalkeedaa ay la baashaashay oo ay Kuu kuun iyo Wakac wakac la dheeshay …”

“Aabo wakac Wakac kuma dhihin ee waxaan iri Dhakac dhakac.”

“Quruxeey raali ahaaw minaan kaa legday magaci dheesha.” Odaygi ayaa u jeestay xaggi uu Jabaq xigay oo yiri, “Igaar adna iska warran hee?”

Jabaq ayaa yiri, “kuwo igaar ah oo aan ku arkay meel kobo u jirto mahaan aan hadda joogno ayaan ku dhowaaday in aan u gacanqaado.”

Hooyadi ayaa ka soo dhexgashay oo tiri, “Maandhow xaan ku niri mar hore inti aan joognay Saciid Maxaad Raage? Ma waanan ku dhihin gacanqaad haku degdegin. Illayn nin tattoonyo miciin bidaa mug weertu waran ka kulushahay waa aflaawe iyo maangaab aan meherd lahayn.”

Jabaq ayaa yiri, “Hooyo, waxaan ka hadlaa kuwo aan afkooda fahmiwaayay….”

“Ma af gaaleey ku hadlaayeen?” ayeey weydiisay.

“Af gaal iyo waxow ahaa ma ogi, laakin af Muslin ma ahayn. Mid iyaga ka mid ah ayaa igu yiri, “Ijis kajaa waja rajam?’” Mid kale oo agtaagnaa ayaa gartay in aan war iyo wacaal toona u hayn waxa ow ka hadlaayay. Inta uu sanka kor u taagay ayuu yiri, “Waa lagu helay sow maaha?”

“Xaad ka hadlee,” ayaan si caro kujirto ugu jawaabay. Waxa ow gartay in aan u sii dhaqaaqaayay kii marki hore afka jini igula hadlay. Inta ow usna soo dhaqaaqay ayuu soo istaagay meel kii hore iyo aniga noo dhaxeysa. Waxa ow isaga oo qoslaaya yiri, “Igaarku waa ku bariidiyay ee salaanta ka qaad.”

“Bariido taas u ma aqaan,” ayaan si kulul ugu jawaabay.

Hal kaloo iyaga la socday ayaa haddana yiri, “Hajalkajaan ijintajow najooga jaa yajimijiidayjay?”

Muggaas aa miirba iigu dambaysay. Waxaan feer iyo farolaab la aaday kii dambe. Waxaa haddana na soo kala dhexgalay halki aad u qabtay in ow ka caqliroonaa labada afka xun. Waxa uu markale igu yiri, “waxa ow igaarku ku weydiiyay maha aad katimid, illayn waxaa muuqata in aad rabtaan kooyto ku tahay.”

Waxaan si kulul ugu jawaabay, “Maad af Soomaali ku hadashaan? Idinku intaad ka timideen muggaad saan u hadlaysiin?”

Kii afkiisa aan fahmaayay ayaa yiri, “sojoodajaawajaaw, wajalajaal kaynijiiyajow. Ajafkajeyna ajaan kujuu bajarajeynaaa.”

Odaygi ayaa yiri, “Maandhow xaad sheegtay. Wallee waa la murugay minii beledkaan saan looga hadlaayo.”

Jabaq ayaa isaga oo qoslaaya u sharraxay reerkiisi waxa igaarku yiri: Soo dhawaaw walaalkeeynow. Waxaan ku baraynaa afkeena. Aabo iyo hooyo waxaan muddo labo saac ku dhow la i baraayey af ay dhallinyaradu si gooni ah ugu hadasho marka ay rabaan in aan la fahmin. Muggi aan waxoogaa dhugtay ayaan candhuuftayda dib u liqay. Waxaan soo xasuustay hadal ow abkow maalin igu yiri oo ahaa in aad kala saarto wixi aad athy ing fathow iyo wihi rung eh. Waxaas ku daray awoowe in heesty arlaathy ay muthub iyo edba noqonkarto shalgeddiisyng. Keliya wahaa loo baahanyahay in isly-jer loo dhaho: Ul i diirshe naghythow. Ul iyo diirkeed in la noqdo.”

Qorihi oo in muddo ah aan soo faragelin qaabki ay sheekadi u socotay ayaa goostay in uu xasuusiyo kii sheekada sheegaayey in maamus wanaaggi sheeka sheegistu faraha ka sii baxayso. Waxaa uu ka shanqariyey in loo baahnaa in sheekoole iyo duulka ku jira sheekada ay labaduba turaan kasmada iyo garaadka akhristaha. Maanka akhristaha haku gaboodfalina. Had-guthub ma fiicna, ayuu hadalkii ku soo afjaray.

Jabaq oo aad u qabtay in ow hadalki qoraha maqlay ayaa yiri, “Intaas ayaa igu soo korortay manta ismoogeyni. “

Gabadhi ayaa tiri, “Aabo, u sheeg hooyo wixi aan anna kuu sheegay.” Odaygi ayaa ciyaarihi gabadhiisa u sharaxday ku sheegay af aan degganayn oo gajagaja ku jirto. Waxaad arkaysay muluqdi oo firixdu ka dhamaatay, kuna maadeysanaysa qaabki uu Toxob u sheegaayay dheelihi ay gabdhuhu ku dheelaayeen agagaarka weegaarki ciddiisu tiil.

Hooyadi reerka ayaa tiri, “Mugga waxna waa cunay waana baashaalnay oo haasaawnay, berrina waxaa na sugaayo in aan meeshaan ka hilhilano ee bal aan waxoogaa jiifa helno.”

Waa inoo berrito ayay hadalki ku soo afjareen.

Toxob ayaan inta badan hurdo fiican helin wixi ka horreeyey saacadihii dambe ee habeenki. Waxaa markasta uu is yiraa indhaha isku qabso maankiisa ku soo maaxayey ri’di iyo gabadhi la yiri waa buubeen sida haad.

La soco Q.46aad    
W/Q. Prof. Cali Jimcaale Axmed