DEG DEG: Xog laga Helaayo Dagaal Culus oo ka dhacay Degmadda Kaaran

Ciidamada Gaar ah ee Xasilinta Amaanka Magaalada Muqdisho ayaa saakay Baaritaano xoog leh waxay ka wadaan Xaafadaha Degmada Kaaraan ee Gobalka Banaadir waxaana meelaha Qaar ka dhacay isku dhacyo ay kala hortageyn Ciidanka Milatariga Soomaaliya.

ilaa hadda lama xaqiijin karo tirada dhimashada iyo dhaawac Balse wararka ayaa soo sheegaayo in uu halkaasi ka dhacay is rasaaseyn dhowr daqiiqo socotay sidoo kalane ka dhacday xaafado kala duwan.
Ciidamada Xasilinta Muqdisho ayaa la sheegay in ay Ceyrsadeen Ciidamo kale oo milatari ah kuwaas oo ku sugnaa Degmada Kaaraan iyadoo wali uu baaritaanku ka socda Degmadaasi.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Isrisaseentaasi uu ku geeriyoodaya Gudoomiye waaxeed gudoomiye ka ahaa mid kamid ah afarta waax ee ka koobantahay Degmadasi.

Halkaan kala soco wixii warkaan ku soo kordha.