Ciidamada Xasilinta Muqdisho oo goordhaw Gudoomiye Waaxeed ku dilay Degmadda Kaaraan Iyo Xiisan Taagan.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Degmada Kaaraan ee Gobalka Banaadir ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in uu ku dhintay Gudoomiye Waaxeedkii xaaafadda Jamhuuriyo ee Degmadaasi israsaaeyn Dhax martay Ciidamada Xasilinta Muqdisho iyo Ilaaladiisa.

Marxuumka dhintay ayaa lagu magacaabi Jiray Cabdi maxamed Dhagay oo loo yaqaanay Cabdi Jiis.

Israsaaeynta ayaa ka dhacay Xarunta Degmada Kaaraan waxaana la sheegay in ay socotay Dhowr daqiiqo waxaana la sheegay in ay jiraan dhaawacyo kale oo soo gaaray Ciidankii dagaalamay.

Howlgalkii socday ayaa hakad galay waxaana Jira taag taag iyo Cabsi xoog leh sidoo kale dad ku sugan degmadaasi ayaa sheegaya in ay ka dhalatay xiisad Howlgalkaasi ay wadaan Ciidanka Soomaaliya.

Degmada Kaaraan ayaa la sheegaa in ay tahay Degmada ugu Amniga Wanaagsan Markii loo eego Degmooyinka Kale waxaana daggan Mas’uuliyiinta ugu badan ee Dowlada soomaaliya.