Akhriso:-Soomaalida Australia Oo Cabsi Soo Food Saartay

In kabadan 150 askari oo booliiska Australi ah ayaa hawlgallo ka fuliyay saddex guri iyagoo dabo socda weerarkii khasaaraha gaystay ee uu ka dambeeyay wiilka Soomaaliga ah ee Melbourne ka dhacay toddobaadkii hore.

Yacqub Khayre oo hubaysnaa  ayay booliisku toogasho ku dileen Isniintii ka dib markii uu nin dilay, haweenayna uu  afduubtay, saddex  askari oo booliis ahna  uu dhaawacay.

Howlgalkaan ayey Boolsiku kusoo qabteen wiil 32 jir ah, waxayse goor dambe sheegeen in uusan wax xiriir ah la laheen wiilkii soomaaliga ahaa ee  magaaladaasi ka geestay weerarka,

Soomaali badan oo Magaaladaasi degan ayaa waxa ay soo food saartay cabsi maadaama dadka lagu kala dooranaayo diintooda iyo dadnimadooda, iyadoo il gaar ah lagu haayo dadka soomaalida ah oo qaarkood guryahooda loogu galay si loo ogaado Kheyre weerarka uu qaaday in uu kaligii ka dambeeyay iyo in soomaali kale ku wehlinaayeen oo ay isku koox ahaayeen.

Hawlgallada ay dawladdu samaysay ayaa la xiriira sida uu khayre ku helay hubka  ka hor falkii weerarkuu qaaday isniintii.