Akhriso:-Halkay Maraysaa Xiisada Qatar Iyo Wadamada Gacanka Carbeed

Dawladda Qadar ayaa wacad ku martay in aysan siyaasaddeeda arrimaha dibadda uga “tanaasuli doonin” muranka dublamaasiyadeed ee kala dhexeeya dalalka Carbeed ee ku eedaynaya in ay xiriir la leedahay argagixisada.

Wasiirka arrimaha dibadda Sheekh Maxamed bin Abduraxmaan al-Thani ayaa sheegay in uu jecelyahay in dublamaasiyad lagu dhameeyo xiisadda sii xoogaysanaysa xalna uusan ku jirin mid milatari, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.

Qadar ayaa diiday sheegashooyinka ah in ay hogaaminayso taageerada Islaamiyiinta xagjirka ah.

Dhanka kalana warbaahinta Al Jazeera ayaa sheegtay in lagu soo qaaday weerar dhanka internetka ah.

“Al Jazeera weerar dhanka internetka ah ayaa ku socda waxaana la bartilmaameedsanayaa qaybaheeda kala duwan oo dhan oo ay ka mid yihiin websiteyadeeda iyo baraheeda bulshada”, ayay Twitterka ku soo qortay.

Warbaahinta Al Jazeera ayaa qayb ka ahayd muranka hadda taagan, dalalka kale ee Khaliijka ayaana ka mamnuucay dhamaadkii bishii shanaad.

Aljazeera ayaa websaite-keeda ku soo qortay in uu wali shaqaynayo balse uu weerarka lagu hayo uu sii xoogaysanayo isagoo qaabab kala duwan ah”.

Dhanka kalana telefeshinka dawladda Qadar ayaa isna sheegay in uu si ku meel gaar ah u xirayo website-kiisa, sababo la xiriira iskudayo lagu doonayo in  lagu jabsado.