Xog laga Helaayo Dagaalka Duleedka Boosaaso iyo Shabaab “sheegtay in Ciidamo badan ku Dileen

Dagaalka ka socda deegaanka af-urur ee dhaca duleedka Magaalada Boosaaso oo u dhaxeeyo cutubyo ka tirsan ciidamada Puntland iyo Alshabaab ayaa waxaa guulo ka sheegtay alshabaab oo sheegay in weerarkasi laga gaaray hadafkii laga lahaa.

Afhayeenka howlagalada Alshabaab Abu Muscab ayaa Warbaahinta ku hadasha Afka Shabaabka u sheegay in dagaalkaasi ay ciidamada Puntland kaga dileen ilaa iyo 61 askari ayna qabsadeen 16 gaari oo 9 kamid ah ay yahiin gaadiidka dagaalka, sidaas si lamid ahna ay la wareegeen gacan ku heynta saldhig milateri oo halkaasi ku yallo.

Illaa hadda Saraakiisha ciidamada Puntland kama aysan hadlin weerarkaan culus ee Shabaab saaka aroortii ay ku qaadeen Saldhiga ciidamada Puntland ee degaanka Af-urur.