Isgaarsiinta Baardheere oo maanta Hawada ka maqan

Waxaa maanta ka maqan Hawada Isgaarsiintii Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo sida wararka nagu soo gaarayaan.

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa howlgallo ka wada degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Howlgalladaan ayaa Saraakiil ka tirsan maamulka Gobolka Gedo sheegeen in la doonayo in deegaanada ku dhow dhow degmadaasi looga saaro Al Shabaab.

Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa mararka qaar waxaa ka dhaca weeraro ay ka geystaan Dagaalyahanada Al Shabaab.