In kabadan 50 qof oo ku dhintay Dagaalkii Gobalka Bari ee Puntland

Sida ay daabacday Idaacadda VOA-da laanta afka Soomaaliga dagaalkii ka socday Gobalka Bare ee Puntland ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhintay ugu yaraan 50 qof oo isugu jira dhinacyadii dagaalamay.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawaca ah ayaa isugu jira dhinacyada halkaasi ku dagaalamay waxaana ku yar dadka rayidka ah sida ay qortay VOA-da

Weerarkan oo bilowday afartii aroornimo ayaa waxay maleeshiyadu gudaha u galeen xerada tuullada Af urur oo 105 km koonfur galbeed kaga beegan magaalada Boosaaso.

Wararka Warbaahinta ay ka heshay goobta dagaalku ka dhacay ayaa sheegaya in in ka badan 50 qof ay dhinteen oo labada dhinac ka tirsan kuwaasi oo wali maydkoodu haatan yaallo goobtii lagu dagaallamay.

Dadka dhintay waxaa ku jira saddex sarkaal oo ka tirsan ciidamada daraawiishta ee Puntland.

Al-Shabaab ayaa sheegatay in 61 askari ay ka dileen maamulka Puntland, dhinaca kale, maamulka Puntland ayaan wali wax war ah ka soo saarin dagaalka ka dhacay xerada Af-Urur.