Wararka ka imaanaya Garoonka diyaaradaha ee Magaalada jowhar ee Xarunta Gobalka Shabeelaha Dhexe ayaa Sheegaya in Qarax miino uu ka dhacay Magaaladaasi.
Qaraxan ayaa ahaa miinada Dhulka lagu aaso waxaa lala eegtay Gaari Cabdi Bile oo ay saarnaayeen ciidamada Dowlada Soomaaliya,Sida ay Dad Goob joogayaal ah u Sheeegeen Warbaahinta.
Inta La ogyahay Waxaa Qaraxaasi ku dhintay 3 Askari,Waxaana ku dhaawacmay Isla 3 Askari oo ka Tirsan ciidamada Dowladda Federaalka ee Soomaaliya,Xili ay Marayeen Meel u Dhow Garoonka Mgaalada Jowhar.
Wararka ayaa Intaasi waxaa ay ku Darayaan in Durbadiiba Goobta ay gaareen Ciidamo Badan oo ka Tirsan Dowladda,Waxaa ayna Halkaasi ka Sameeyeen Howlgal dad badan lagu soo qab-qabtay.
Ma Jirto ilaa iyo Hada Wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Magaalada Jowhar ee Xarunta gobalka Shabeelaha Dhexe.
Ciidmada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaaa horay dhowr jeer waxaa qarax lagula eegtay Magaalada jowhar ee Xarunta G.Sh.Dhexe.