DEG DEG: Dagaal Culus oo ka socda Duleedka Boosaaso

Dagaal u dhaxeeya Ciidamada maamulka Puntland iyo ururka Al-shabaab ayaa ka socda Degaanka Af-urur oo ku yaalla duleedka magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.

Dagaalkan ayaa yimid kadib markii xoogag ka tirsan Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisin Ciidamada maamulka Puntland ay ku leeyihiin Degaanka Af-urur.

labada dhinac ayaa isku adeegsanaya Hubka nuucyadiisa kala duwan, sida ay inoo sheegeen dadka Degaanka ee halkaasi ku sugan.

Ciidamo gurmad ah oo ka tirsan kuwa maamulka Puntland ayaa ka baxay magaalada Boosaaso, iyaga oo ku biiraya dagaalka ka socda Degaanka Af-urur, si ay isaga difaacaan Shabaab.

Weli ma cadda Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo Shabaab ee ka socda duleedka magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.

Puntland ayaa dagaal adag waxa ay kula jirtaa dagaalyahanada ka tirsan Al-Shabaab iyo Daacish oo Saldhigyo Millitari ku leh Buuraha Galgala ee Gobolka Bari.