Akhriso:-Taliye Ku-xigeenka Nabadsugida Gobolka Banaadir oo La Magacaabay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa magacaabay taliye ku xigeenka Nabadsugida iyo sirdoonka qaranka  Soomaliyeed ee Gobolka Banaadir.

Taliye ku xigeenka Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka qaranka Soomaliyeed ee  Gobolka Banaadir ayaa loo magacaabay Gaashaanle  Maxamuud C/qaadir Xaaji (Jeego).

Magacaabistaan ayaa la sheegay in ay ka dambeysay kadib la tashiyo uu madaxweynaha la sameeyay Taliyaha Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka qaranka Soomaliyeed ee Nisa general Sanbaloolshe.