Xog Dheeriya oo laga Helaayo Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya oo Qarax ka Badbaaday

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay Qarax miino oo gelinkii dambe ee maanta ka dhacay Degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa nooca Miinada dhulka lagu aaso ayaa si weyn loogu maqlay Magaalada Muqdisho  iyadoo qaraxa’ aay ka bad baaday Xildhibaanad Samiira Xasan Cabdulle oo katirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo halkaasi mareeysay.

Hal Askari oo ilaalo u ahaa xildhibaanada ayaa halkaasi ku geeriyooday waxaana sidoo kale ku dhawaacmay qof rayid ahaa oo halkaasi marayay.

Qaraxa ayaa ka dhacay madaxtooyadii hore ee Cabdi Qaasim oo ku taala Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir xildhibaanada ayaana ka bad baaday qaraxaasi.

Sidaan oo kale dhowaan Xaafada Taleex waxaa ka dhacay qaraxyo miino ay ka bad baadeen xildhibaano, waxaa ka mid ahaa Senator Dufle oo qarax loo dhigay meel ku dhow xaruntiisa uu ka bad baaday iyo Xildhibaan Maxamuud Abuukaate oo isna xilli habeen ah qarax lala eegtay gaarigiisa oo ay ku dhaawacmeen ilaalo la socotay