Wasiiro Ka Tirsan Xukuumadda Soomaliya oo u Dhoofay Sacuudiga

Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho ee Aadan cadde waxaa Maanta ka dhoofay Shan wasiiro oo ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaliya kuwaasi oo ku wajahan magaalada Riyad ee boqortooyadda dalka Sacuudiga.

Wasiiradda ka baxay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho waxa kamid wasiirka gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaliya Cabdirashiid  Cabdullaahi Maxamed iyo Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo gadiidka cirka iyo dhulka Maryan Aweys Jaamac iyo wasiiro kale waxaa ku wehliya safarkooda La taliyaha khaaska ah ee Boqorka Sacuudi Carabia oo Muqdisho maanta soo gaaray.

Ujeedka safarka wasiiradaan ka Tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaliya ayaa lagu sheegay heshiisyo ay lasoo gali doonaan dhigooda dalka sacuudi Arabia madaama  dhawaan uu dalkaas gaaray madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo.