Puntland oo raadineysa Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya

Maxkamadda Darajadda  koowaad ee Degmadda gorawe ayaaa Amartay in Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya uu Maxkamadda hortago.

Warqad uu ku sixiixanyahy Gudoomiyaha Maxkamadda Darajadda koowaad ee Degmadda gorowe Cabdi nuur Ow jaamac ow xuseen ayaa Xildhibaan Feysal Cabdullahi guuleed waxaa lagu Amray in uu Maxkamadda Hortaggo ugu dambeeyn 5/7/2017, kadib markii ay maxkamaddu sheegtay in loo heeysto Dacwad Madani ah.

Sida ku xusan Qoraalka ay maxkamadda garawe soo saartay xildhibaan Feysal ayaa ku eedeeysan in uu Kireeystay Guri ku yaalla Gorowe uuna kasoo tagay isaga oo aan Bixin Lacagtii kiradda.

Maxkamadda oo soo xigeeysa dacwooda yaasha ayaa sheegtay in Sidoo kale Xildhibaan Feysal uu Xirtay Gurigii uu Kireeystay walina uusan ka Guurin.

Xillibaan Feysal Cabdullahi guuleed waxaa uu kamid yahay Xubnaha Xildhibaanadda Barlamaanka Soomaliya ka soo galay Magaaladda garowe ee Xarunta Gobolka Nugaal sidoo kalena ah Xarunta Maamulka Puntland.

Warbaahinta  oo isku dayay in aay la xiriiro Xildhibaan Feysal wali uma Suurta galin in uu hesho, si wax looga weeydiiyo Dacwadda loo heysto.