FIIRSO: Madaxweyne Ku Xigeenka Hirshabeelle Cali Guudlaawe oo Shir Muhiima Jowhar Ugu Furay Wasiiro

Waxaa Maanta Shir uga Furmay Xarunta Caasimada Hirshabelle ee Magalada Jowhar Wassarada Arrimaha Gudaha Federalka  iyo Wasiirada arrimaha Guddaha Dowlad Gobaleedyada Dalka Waxaana Shirkaasi Guddominayay Madaxweyne ku Xigeenka Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Ahna Ku Simaha Madaxweynaha Mudane Cali Cabdulahi Xuseen Cali (Guudlawe)

Shirkaasi ayaa  looga hadlayay Arrima Badan Sidii ay Mamulada Dalka Kajira iyo Dowlada Dhexe u Wada Shaqeeyn Lahaayeen iyo Qorshe Howleedka Dowladaha Hoose  iyo   sidii loo Dar-dar gelin lahaa  Goleyaal Deegaan iyo in  La Gaaro Dorasho  Qof iyo  Cod Waxaana uu Soconayaa Muddo Sedex malin ah

Sidoo kale  Waxa uu shirkaan Oo Kale Ka Soo Dhacay Magaloyinka Kismayo Baydhabo Muqdisho iyo Jowhar  ayadoo lagu wadan in uu Mar kale ka dhaco Magalooyinka Cadaado iyo Garawe

Muuqaalkaa  Hoos ka Fiirso