Farmaajo:-“Jubaland Codsigooda Waan U Fuliney”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta dhagax dhigay Dhismo cusub oo heer Federaal ah oo ay Jubaland horaan u codsatay.

Dhismahaan ayaa waxaa xafiisyo ka furan doono wasaaradaha kala duwan ee heer Federaal si shacabka reer Jubaland ay ugu sahlanaato in ay helaan adeegyada ay kaga baahan yahiin dowladda federaalka Soomaaliya, oo ay safar dheer usoo geli jireen in ay danahooda ka dhameestaan xafiisyada heer Federaal.

madaxweyne Farmaajo oo uu wehlinaayo madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Madooobe ayaa dhagax dhigay dhismahaan, isagoona sheegey in dowladda federaalka ay fulisey codsigii jubaland oo ahaa in xafiisyo heer Federaal ah laga hirgeliyo magaalada Kismaayo.