DEG DEG: Weerar lagu qaaday Xarunta Baarlamaanka Iiraan

Baarlamaanka dalka Iran, ayaa goor dhaw waxaa lagu qaaday weerar hubaysan sida ay soo tabinayaan Warbaahinta dalkaasi.

Ugu yaraan Afar nin oo hubaysan ayaa weeraray dhismaha Baarlamaanka, kadib markii ay soo istaageen Iridda hore ee xarunta Baarlamaanka, kadibna ay rasaas ku fureen illaalada Baarlamaanka, waxayna gudaha u galeen xarunta.

Dableyda ayaa sidoo kale rasaas ooda kaga qaaday Madxafka aas-aasaha dalka Iran Imam Khomeini, sida uu shaaciyay Tv-ga Wararka ee Press.

Waxaa la xaqiijiyay ugu yaraan sideed ruux inay ku dhaawacmeen rasaasta lagu furay xarunta Baarlamaanka, sida Warbaahinta ay u sheegeen Saraakiil,  ka tirsan Illaalada xarunta Baarlamaanka, ayaa naftooda ku waayay weerarkaasi.

Xildhibaan Elias Hazrati oo ka tirsan baarlamaanka dalka Iran, ayaa sheegay in dableyda weerarka soo qaaday ay wateen qoryaha fudud iyo bambada gacanta laga tuuro.

Xildhibaan Mehdi Kiaee, ayaa sheegay dagaalka inuu socdo, ciidamada ammaankana ay isku dayayaan inay xaaladda si nabadgelyo ah ku soo celiyaan.