DEG DEG: Ganacsade Goordhaweyd lagu dilay Magaalada Muqdisho

Kooxo hubeysan ayaa goordhawed Gudaha Suuqa Bakaaraha gaar ahaan qeybta Daawada waxa ay ku dileen nin Ganacsade ahaa oo si weyn loogu yaqaanay Bakaaraha.

Ninka la dilay ayaa lagu magacaabi jirey Maxamed Dheere wuxuuna kamid ahaa Ganacsatada sida weyn loogu yaqaanay Gudaha suuqa Bakaaraha ee Magaalda Muqdisho, waxaana dilkii fuliyay rag ku hubeysneed Bastoolado oo dhowr xabadood ku dhuftay marxuumka.

Dilka kadib raga hubeysnaa ayaa goobta isaga baxsaday waxaana goobta gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaliya, mana jirto cid loo qabtay dilka loo geystay Maxamed Dheere oo kamid ahaa Ganacsatada Suuqa Bakaaraha.