Cali Gaab: oo awaamiir Adag Soo Saaray“Gaadiidleyda Kala Qaata Gawaarida Waxay La Kulmi Doonaan Ciqaab Adag”

Cali Xirsi Barre (Cali Gaab) Taliyaha Ciidamada ilaalada wadooyinka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegey in taliska taraafikada uu qabtay howlo wax ku ool ah oo u hirgeley intuu xafiiska joogo.

Taliye Cali Gaab ayaa carabka ku dhuftay in muhiim ay tahay in sida ay tahay loo fuliyo awaamiirta ay taliska taraakifada kusoo rogeen gaadiidleyda gaadiidkooda dhigta hareeraha wadada Maka almukarama.

“Waxaan u mahadcelinaayaa gaadiidleyda fulisey amarka lagu soo rogay, inta kale aan amarkaas qaadana waxa ay la kulmi doonaan ciqaab adag”ayuu hadalkiisa kusii darsaday taliye Cali Gaab.

Cali Xirsi Barre (Cali Gaab) sidoo kale soo hadal qaaday gaadiidleyda gawaarida kala qaadata oo is amaahiya, waxa uuna sheegey in ay arrintaasi ay dhaliso in la aqoonsan waayo cida iska leh gaarigii lagu geestaa falal amni darro.

Waxa uuna ugu dambeyn digniin u jeediyey dadka gawaarida kala qaato oo uu sheego cidii lagu arkaa gari ay laheen in ay la kulmi doonto cinqaab adag.